Siciid Cabdulaahi Dani waa madaxweynihii 6aad ee soo marey puntland, waxaa ladoortey 08 janauary 2019. Dani markii la doortey ma helin taageero badan oo shacabka puntland ah sababaha keenay oo ay ugu weynayd malahayga waxaa kamid a:-
1. inuusan ahayn musharaxiintii ugu cadcadeyd waqtigaa.
2. in aan puntland aad looga aqoon, marka laga reebo inuu wasiir federal iyo ganacsade loo garanayey.
3. inuusan ahayn dadka aad looga yaqaan fagaarayaasha siyaasada puntland
4. in laga doorbidayey musharaxiin kale oo markaas la tartamaysay.
Hadaba mida maqaalkeygu caawa ku saaabsanyahay waa in ninkii sidaas ahaa dib loo doorto shan sano kadib, waa maxay sababtu?
waxaan isleeyahay inta aan ka arkey waa kartidiisa hogaamineed iyo kasbashada shacabka puntland, sababtoo waxaa cajiib ahayd in uu ku yeeshay maskaxda shacabka puntland saaamey xoog leh oo ka dhigtay halyey punland hogaamin kara mar 2aad. Taas oo ah taariikh ugub ku ah puntland oo isaga mooyee aysan cidkale horey uga dhigin ayna adagtahay in ay dib udhigto, hadaba xagee ka keenay saamayntaas?
waxyaaabaha ugu muhiimsan waxaa la oran karaa:-
1. amniga:- puntland dani ka hor waxay ahayd mid aan la isku halayn karin amnigeeda, laakiin markii uu yimid wuxuu sabab unoqday puntland amni ahaan dagan, siyaasad ahaan xasiloon.
2. Dimuqraadiyada:- Dani puntland wuxuu ka hirgaliyey wax saaxada soomaaliya mucjiso ku noqotey, puntland si gaara ula noqotey waxa ay adkeyd in ay cid kale hirgaliso, sababtoo ah wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyey tan iyo aasaaskii puntland ee 33degmo kaqabta doorashada dowladaha hoose waliba waqti kooban marka loo eego culayska ay hawshaas leedahay.
3. dawlada dhexe:- madaxweyne dani wuxuu si cad oo aan gabasho lahayn uga horyimid damacii filla soomaaliya ee ku salaysnaa puntland qalalaaso ka rid waxna how qaban, waana waxyaabaha shacabka puntland marwalba ku xasuusan doonaan.
4. musharaxiintii latartamey:- madaxweyne dani wuxuu si cajiiba uga faa ideystey siyaasad xumadii mucaaradkiisa kasoo horjeeday oo ayagu aan marnaba ka fakarin rabitaanka shacabka, sababtoo ah waxay ka horyimaadeen dimuqraadiyadii, amnigii iyo xasiloonidii kajidhay puntland. Taas oo keentey in madaxweyne dani ka helo fursad cajiiba oo uu markale ugu wareejiyo xagal 360 degree ah.
gabagabadii dani waa mar la arag marka laga hadlayo siyaasada puntland, waana hogaamiyo leh karti iyo ku dhiirasho mudan in ay ka bartaan dadka siyaasda ay isku hayaan.
wabilaahi towfiiq
aragtidaada hoos noogu reeb